CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah

Waa Maxay Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan oo Fowdada ah?

Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah waxaay saamaysaa 3-5 boqolkiiba caruurta ku nool Mareykanka. Caruurta la ildaran Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaanta Fowdada ah waxay dhib ku qabaan inaay ahmiyad siiyaan howlaha muhiimka ah. Waxaa laga yaabaa inay aad u firfircoon yihiin. Haddii lagu sii daayo daawo la’aan, fowdadu waxay u sababi kartaa inuu ilmaha heerkiisa aqoon ee iskuulka uu hoos maro ama ay dhaawacdo xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa iyo saaxiibadiisa.  

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto  Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah?

Caruurta la ildaran Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah waxay leeyihiin qaar ama dhamaan calaamadaha soo socda:

Feejignaan la’aan (aanan si haboon wax ahmiyad u siin karin.) Calaamadahaas qaarkood waa:

  • Inuu si fudud u wareeri karo.
  • Inuu lumiyo buugaagtiisa, shaqo guriyeedka, qalabka uu ku ciyaaro.
  • Inuu si deg deg ah u caajiso.
  • Inuu dhib ku qabo siduu u raaci lahaa tilmaan-bixinta la siiyo  

Aad U Firfircoonaanta Fowdada ah (aadka u firfircoon) iyo Salfududaan (u dhaqma si taxadar la’aan ah ama ka fikir la’aan).  Calaamadaha qaarkood waa: 

  • Wuxuu badanaa ku jiraa dhaqdhaqaaq
  • Wuxuu dhib ku qabaa inuu fadhiga ku nagaado
  • Wuxuu la soo boodaa jawaabta kahor intaanan su’aasha la dhamayn
  • Ma sugi karo markiisa
  • Wuxuu qashqashaadaa ama uu ka dhexgalaa marka ay kuwa kale sheekeysanayaan ama ay ciyaarayaan

Dhamaan caruurta waxay la yimaadaan calaamadahaan waqti ka mid ah inta ay korayaan.  Caruurta la ildaran feejignaan yaraan/aadka u firfircoon fowdada waxay calaamadahan u leeyihiin si joogto ah ama si ka daran caruurta kale ee la da’da ah.

Waa Maxay Waxa Sababa Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaanta Fowdo ah?

Sababta saxda ah ee keenta badanaa fowdo maxkaseedyada si dhamaystiran looma fahmin. Guud ahaan, fowda maxkaxeedyada waxay natiijo u tahay fir iyo asbaabo kale oo noolaha la xiriira oo isku dhafan iyo korniinka iyo asbaabo deegaaneed.    

Qaar badan oo si caan ah loo aaminsan yahay ayaa been ah. Tusaale ahaan, daraasaad baa waxay muujiyaan in sonkorta iyo waxyaalaha cunnada lagu daro aysan sababin Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaanta Fowdada ah. Waxaa jira asbaabo badan oo kala duwan oo keena Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah, balse khubarada badankooda waxay aaminsan yihiin inay sababtu tahay mid noolaha la xiriirta.  

Sideen Ku Ogaadaa Haddii uu Ilmahayga Qabo Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah?

Waxaa jira xaalado kale oo caafimaad ama maskaxeed oo leh calaamado la mid ah kuwa Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah. Waxaana sidoo kale macquul ah inuu ilmo la il daran yahay feejignaan yaraan/aad u firfircoonaan fowdo ah iyo fowdo ama xanuunsanaan kale, sida murugo/niyad jab, walwal ama curyaannimo dhinaca barasha la xiriirta. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in uu ilmaha la mariyo qiimeyn uu ku samaynayo qof ku takhasusay si sax u garashada nooca cudurka.

Habka qiimeynta wuxuu badanaa ka kooban yahay macluumaad laga soo ururiyo meelo kala duwan: ilmaha, waalidka, macalimiinta iyo dhakhaatiirta ilmaha, waxaana ku jiri kara u fiirsasho ama baaritaan.   

Sidee Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah Loo Daweeyaa?

Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah waxaa lagu daweyn karaa si dabiici, dawo iyo labadoodba. Waxaa intaas dheer in mutacalimiinta ay ka caawin karaan mashaakilada iskuulka.

Dhakhaatiirta iyo dakhaatiirta cilmi nafsiga waxay u qoraan dawooyin firfircoon siisa si ay u maareeyaan una yareeyaan calaamadaha Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah. Dawooyinkani waxay si xiiso leh u hagaajiyaan si uu ilmaha awoodiisa isugu geeyo inuu wax fahmo iyo inuu is xakameeyo.    

Waxaa jira quraafaad fara badan oo ku saabsan dawooyinkaani. Waxaa muhiim ah inaad hesho xogtii ugu dambeysay oo lagu kalsoonaan karo. Si kastaba ha noqotee, waxay badanaa khubaradu aaminsan yihiin dawada, oo si sax ah loo isticmaalo inay badbaado tahay, islamarkaana ay tahay qeyb saameyn leh oo lagu daaweeyo Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah.

Daweynta dabiiciga ah iyo waxbarashada waxay caruurta iyo qoysaska bartaa xirfadooyin ka caawineysa inay yareeyaan ama ay maareeyaan calaamadaha la xiriira Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah. Daawo dabiici ahaan, caruurta waxay bartaan dabeecado, sida inay sugaan markooda, inay caawinaad weydiistaan ama inay qof kale la wadaagaan qalabka lagu ciyaaro. Sidoo kale caruurta waxay bartaan sidii ay u maareyn lahaayeen qiiraysnaantooda, sida xanaaqa iyo inay wax badan nidaamsanaadaan. Daawada dabiiciga ee qoyska ama waxbarashada waalidka waxay qoyska ka caawisaa inay kororsadaan xirfadooyin barta kuna dhiirisa dhaqanka suuban ee ilamaha.

Ilmaha dhib ku qaba iskuulka wuxuu xaq u yeelan karaa adeeg waxbarasho gaar ah.

Sidee Caawinaad U Heli Karaa?  

Ugu horeyntii, la tasho dakhtarka ilmahaaga. Ilmahaaga u dalab baaritaan caafimaad dhamaystiran. Takhtarkaaga u sheeg haday jiraan dabeecado dareen kugu haya. Weydii takhtarkaaga haddii qiimeyn dheeri ah ama daaweyn uu sameeyo dakhtar ku takhasusay mashaakil dabeecadeed ee ilmaha loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad la xiriirto iskuulka ilmahaaga. Macalimiinta iyo la taliyayaasha iskuulka waxaa sidoo kale laga yaabaa inay caawin karaan.

Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Heli Karaa Xog Dheeri Ah?

Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
 (301) 443-4513
http://www.nimh.nih.gov 

Caruurta iyo Dadka Waaweyn ee la il daran Feejignaan Yaraan/Aad u Firfircoonaan Fowdo ah
(800) 233-4050
http://www.chadd.org